Heemaal News Network
Caalamka

DR Congo: Burburka Diyaarad Waday Saraakiil Ciidan Oo La Helay.

Kooxaha baadigobka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa helay burburka diyaarad xamuul oo ay dawladdu lahayd oo Khamiistii la soo dhaafay la waayay isla markaana ay saarnaayeen 8 la’yahay sideed rakaab ah oo saarnaa.

Rakaabka diyaaradan oo ay ku jireen Saraakiil Milatari ayaa ku hawlanayd markii la waayay inay taageero dhinaca saadka ah u gayso wafdi uu hogaaminayay madaxwaynaha dalkaas Felix Tshisekedi oo booqqasho ku joogay bariga DR Congo.

Diyaaradan ayaa ku dhacay gobolka Sankuru, waxana ay dadka degaanku sheegeen inay hore u maydadka afar qof oo laga helay burburka.

Safaaradda Ruushka u fadhiya Kinshasa ayaa sheegtay in laba nin oo Ruush ah ay saarnaayeen Diyaaradan Antonov 72 ee dhacday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More