Heemaal News Network
somali

Duqa Muqdisho Oo Sheekh Shariif kala Hadlay Arimaga Amniga Iyo Doorashada.(Sawiro)

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Mundane Cumar Max’uud Maxamed (Cumar filish) Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Mudane Shariif Shiikh Axmed ayaa caawa kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimaha doorashooyinka amniga Caasimada iyo qaboojinta Xasaradaha ka soo Cusbooday Arrimaha doorashooyinka Dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Shiikh Shariif ayaa ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee sida u weyn uga soo horjeeday Farmaajo, halka Cumar Filish lagu tiriyo ragga sidan weyn ugu dhow Madaxweynaha inkastoo labada masuul ay ka soo wada jeedaan hal beel.

Arrintan ayaa ku soo aaday xili ay socdaan dedaalo Magaalada Muqdisho looga saarayo ciidamadii diidanaa muddo kororsiga oo dhufeyso ka qotay xaafadaha qaarkood kaasoo ay wadaan xubno ka tirsan DF iyo mucaaradka.

Related posts

Dadwaynaha Borama Oo si Adag Uga Dareen-celiyay Dadka Laga Raafay Laascaanood

Heemaall

Dowlada Somaliya Oo Kordhinta Tababarada Ciidamada kala Hadashay Mareykanka.

Heemaall

Booliiska Muqdisho Oo soo Bandhigay Dhalinyaro ku Hubaysan Faasas Oo Hawlgal Lagu soo Qabtay.(Sawiro)

Heemaall