Heemaal News Network
Soomaaliya

Duqa Muqdisho Oo Xil ka Qaadis iyo Magacaabis Sameeyay.(Akhriso)

Guddooomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa wareegto ku magacaabay Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabay C/raxmaan Cumar Sheekh Nuur inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Waxbarashada, iyadoo uu xilka kala wareegi doono Agaasimihii hore C/naasir Rooble Abuukar.

Agaasimaha cusub Mr C/raxmaan Cumar Sheekh Nuur ayaa ka mid ahaa Bahda waxbarashada Muqdisho, isagoo madax ka ahaa Dallada Waxbarashada ee FPENS tan iyo sanadkii 2016.

Halkan Hoose ka akhriso wareegtada:-

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More