Heemaal News Network

Duulimaadyada Caalamiga ah Oo Dib Uga Bilaawday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa si rasmi ah duulimaadyadooda dib u billaabay shirkadaha diyaaradaha Turkish Airline, Ethiopian Airways iyo Uganda Airline kuwaasoo hakiyay duulimaadkooda Garoonka Aadan Cadde maalin ka hor.

Sababaha ay duulmaadyada u hakiyeen shirkadaha diyaaradaha ayaa waxaa ay ku sheegeen arrimo dhanka amniga ah, kaidb markii shaqaaqooyin u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwoay wateen Midowga Musharixiinta ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ku sugan Garoonka ayaa sheeggay in Maanta ay dib u bilaawdeen duulimaadyada Caalamiga ah, isla markaana ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay si caadi ah u socdaaan Duulimaadyada ay Muqdisho ku imaanayaan diyaaradaha Djibouti Air, Hala Airlines, Daalo iyo diyaaradaha hay’adaha caalamiga ah sida WFP, UN.

Shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho maalin ka hor ayaa waxaa ay saameyn ku yeesheen shaqada Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho kadib markii uu ku dhacay mid kamid ah hubkii labada dhinac ay isku ridayeen.

Related posts

Somaliland Iyo Taiwan Oo Iska Kaashanaya Barnaamij Dhanka Caafimaadka Ah.

Heemaall

M/Biixi Oo la Kulmay Kooxda Kubada Cagta Ee Dhegoolayaasha Oo Ku Guulaystay koobkii Jabuuti

Heemaall

Jubbaland Oo ka Shirtay Amniga Doorashada Xildhibaanada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More