Heemaal News Network
somali

Duuliyayaal Xabshi Ah Oo Seexday Iyaga Oo Dajinaya Dayaaradda

Labo duuliye ayaa ku seexday 37,000ft (11,000m), iyagoo lumiyay dhabbaha ay diyaaraddu ku cararto si ay duulimaadka si nabad ah ugu dajiyaan.

Ilaalada hawada ayaa la xiriiray kadib markii ay kasoo dageen garonka diyaaradaha ee addis ababa

Shaqaalaha diyaaradaha Ethiopian airline ayaa ugu danbeyn qaylo ku kiyay duuliye yaasha taasi oo sababtay in diyaaradda ayku dajiyaan marxaladda labaad sida ay sheegtay aviation herald.

Diyaaradda Boeing 737, waxay qaadda 154 rakaab ah taasi oo wax kayar labo saacadood ku qaadata marka ay u safreyso dalalka deriska ah.

Fal celin naxdin leh ayaa ka dhalatay in duuliye yaashu ay hurdaan xilli ayku guda jireen jadwalkooda shaqada.

Ma eedeyn donno shaqaalaha Ethiopian airline si qaas ah arrintan, sababtoo ah arrintan waa mid markasta ku dhici karta shaqaalaha, eedeynta waxay saarantahay shaqaalaha iyo maamulka ayaa lagu yiri qoraal kale

Baraha bullshada ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay arrintan,taasi oo dad badan ayku tilmaamen dhacdo qosol badan.
Khabiir ku xeel dheer arrimaha duulista ayaa oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid “mid walaac aad u wayn leh”.

“Miyir beelka duuliyeyaasha ma aha mid cusub, waana arrin sii socota oo khatar joogto ah ku haysa nabadgalyada duullimaadyada – guud ahaan caalamka,” ayuu Twitter-ka ku qoray Alex Macheras.

Related posts

Mahdi Guuleed Oo Gudoomiyay Shir Dhinaca Abaaraha Ah

Heemaall

Mid ka Mid ah Beelaha Dega Sool Oo Isku Khilaafsan Kuraasta Golaha Shacabka Somaliya.

Heemaall

Somaliya Oo ka Mid Noqotay Dalalka Tacadiyada Ugu Xun Loogu Geysto Carruurta.

Heemaall