Heemaal News Network
somali

Duuliye Sare Oo Wadi Jiray Black Hawk Oo Lagu Dilay Dalka Afghanistan

Duuliye ka tirsan ciidamada cirka ee Afghanistan ayaa lagu dilay weerar bambaano oo ka dhacay Kabul Sabtidii, sida ay qortay Reuters. Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda.

Shan qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaasoo dhacay markii bam lagu xiray baabuurkooda uu qarxay, ayay qortay Reuters.

Duuliyaha ayaa loo tababaray inuu duuliyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee American Black Hawk wuxuuna muddo afar sano ah ka soo shaqeeyay difaaca Afghanistan.

Afhayeenka Daalibaan Zabihullah Muhajid ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in iyaga ay ka dambeeyeen weerarka.

Related posts

Imaaraadka Oo Xiriirka U Jaray Dawlada Lubnaan Oo ay Is-khilaafeen Sacuudiga

Heemaall

Somaliland Oo la Wareegtay Shixnad Tallaalka Covid-19 ah.

Heemaall

Maxkamada Ciidamada Oo Qabatay Dacwad ka Dhan ah Fahad Yaasiin Iyo Xubno kale.(Akhriso)

Heemaall