Ehelada Cali Khaliif Oo Dalbaday In Baaritaan kale Lagu Sameeyo Maydka Marxuumka.

Qaar ka mid ah ehelka Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr, ayaa codsaday in dib loo baaro waxa geeridiisa sababay.

Marxuumka ayaa shalay la shaaciyay inuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga, waxayna mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ay sheegeen in baaritaan lagu sameeyey ay ku ogaadeen in Cali uu u dhintay fayraska korona.

Hasayeeshee ehelkiisa ayaa ku doodaya in ay mudan tahay in baaritaan kale lagu sameeyo.

“Anaga ayaa codsaneyna in naloo baaro. Baaritaanka dambe waxaa lagu sameynayaa meeshii la isla qaata ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota,” ayuu yiri Mukhtaar Xaamud oo ka mid ah ehelka marxuumka.

Mukhtaar ayaa sheegay in geerida Cali Khaliif loo aaneynayo cunto uu ku xanuunsaday oo aanay rumeysneyn in uu u dhintay cudurka Covid-19.

“Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay. Isaga ayaa inoo sheegay. ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta xanuunka’, ayuu nagu yiri. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is laheyn wuu iska dhammaani.”

“Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha”, ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Cali Khaliif Galeyr lagu aasi doono magaalada Muqdisho, waxuuna marxuumka, Cali Khaliif ku geeriyooday 78 sano jir.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy