Heemaal News Network
somali

Ehelada Gabadhii Ubax Ee Oo sdai Arxan-daro ah loo Dhibaateeyay Oo Balan-qaad ka Helay Dawlada.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dembeeyey dhibaateynta Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo 15 sano jir ah waxay la dhultaallaa dhibaatooyin isugu jira jirdil, gubis iyo in labada gacmood looga xiray sil sillad sida ay sheegeen dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskeeda ee Isbitaalka Madiina ka howlgala.

Qoyska Ubax ayaa Warbaahinta u sheegay in dhaawacyada ku yaala jirkeeda ay yihiin kuwa dhammaan uu wada dhaawacanyahay oo ay kula kacday haweeney uu u geeyey Aabaheed, taas oo si arxan daro ah nolosha ugu ciqaabtay dhibane Ubax.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxay ku booqdeen Ubax Ibraahim Cabdullaahi, waxaana la joogtay Hooyadeed oo dhaawaceeda loogu geeyey Gobolka Gedo oo markii horaba gabadhaan ay ku soo kortay.

Raxmo Maxamed Muxumad oo ah Hooyada dhashay Ubax waxay u sheegtay mas’uuliyiinta in dhaawacyada ku yaala gabadheeda ay u sabeen hurdo la’aan habeen iyo maalin ah.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Ubax oo dhibane u ah dhaawacyo ay u geysteen dad ehelkeeda ah inay heli doonto cadaalad, isla markaana sharciga la marsiin doono dadkii ka dembeeyey falkaan ka baxsan beni’aadannimada

Ugu dembayntii howlgal ay ka sameeyeen ciidamada amaanka ayaa lagu soo qabtay qaar ka mid ah eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falkaan xanuunka badan ee la gula kacay Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Related posts

Puntland Oo Galmudug Gaarsiisay Gurmad ku Aadan la Dagaalanka Al-Shabaab.

Heemaall

Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Oo Lagu haysto La Dagaalanka Alshabaab

Heemaal

Cabdi Xaashi Iyo Kooxdiisa Oo Qaadacay Saxeexa Heshiiska Doorashooyinka

Heemaall