Emmanuel Macron Oo Soo Jeediyey Yiurub In Ay Dhisato Ciidan Ka Difaaca Maraykanka, Ruushka Iyo Shiinaha

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo jeediyey in ay Yurub dhisato ciidanka ka difaaci kara, hadii weerar kaga yimaado wadamada Ruushka, Maraykanka iyo Shiinaha.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa carabka ku adkeeyey, in uu dhamaaday wakhtigii lagu tiirsanaan lahaa ciidanka Maraykanka, isaga oo Yurub uga digay, in isku dheeli tirnaan xaga quwadaha caalamka ay soo wajahayso aduunyadda, nidaamkan ay hadda nabada ku haystaana la dhisay todobaatan sanno ka hor, loona baahan yahay mid cusub hadda.

Waa inaan nafteena difaacnaa marka ay joogto Shiinaha, Ruushka iyo weliba Maraykanka ayuu yiri Macron oo u waramayey radio Yurub 1 talaadadan.
Sanadkii ina soo dhaafay ayay Yurub waxa ay ciidan ka hos samaysay Nato kaas oo loo bixiyey PESCO.

© Heemaal News Netwok