Erdegan Oo Si Wayn U Soo Dhaweeyey Feedh Yahan Khabib Nurmagomedov

Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa dalkiisa kusoo dhaweeyey feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov oo booqasho ku tegay Isniintii.

Khabib Nurmagomedov ayaa lagu marti-qaaday inuu ka qayb-galo xafladdii furitaanka garoonka diyaaradaha ee cusub ee Istanbul Airport, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey madaxweyne Erdogan oo kulan gaar ah ay eyesheen.

Nurmagomedov oo dhalasho ahaan kasoo jeeda jamhuuriyadda Dagestan ee woqooyiga Ruushka, sidoo kalena ah feedhyahankii ugu horreeyey ee Muslim ah ee u dhashay Ruushka ayaa dunida

Islaamka caan ka noqday bishii hore markii uu garaacay gaalka weyn ee McGregor oo diinta Islaamka aflgaadeeyey ka hor intii aanay qabsoomin ciyaar feedh ah oo ay ku ballansanaayeen, waxaana wareeggii 4aad uu Khabib ku guuleystay inuu dhulka ugu tuuro McGregor oo caawin degdeg ah weydiistay xilli uu Nurmagomedov ku qabtay qoor-sagaaro.

© Heemaal News Netwok