Heemaal News Network
somali

Erdogan Iyo Putin Oo ka Wada-hadlay Weerarada Israa’iil ku Hayso Shacabka Falastiin.

Madaxtooyada Turkiga ayaa goordhawayd sheegtay inuu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan uu Khadka Telefoonka kula xiriiray dhigiisa dalka Raashiya, Valadamir Putin.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada xaajoodeen Duqeymaha ay Israel ku hayaan Dadka Reer Falastiin iyo Colaadda cusub ee ka dhex qaraxday labada dhinac.

Madaxweynaha Turkiga waxaa uu horey u cambaareeyey Falalka ay Askarta Israel ka wadaan Masjidka Al-Aqsa iyo magaalladda Qasa.

Diyaaradaha Dagaalka ee Israel waxay maalintii 3-aad oo xiriir ah duqeyn ku hayaan magaalladda Qasa, iyadoo weerarkii u dambeeyey ku burburiyey Xarumaha Dhexe ee Boliska Qasa.

Xalay ayey ahayd, markii ay Dagaalamayaasha Kataa’ib Cisadiin Qasaam ee Ururka XAMAAS ay 130 Gantaal ku asqeysiiyeen caasimadda Israel ee Tel Aviv.

Related posts

Afhayeenka Kulmiye Oo ka Hadlay Ololaha ay Ugu Jiraan Gudoomiyaha Barlamaanka.

Heemaall

Sacuudiga Oo Go’aan kasoo Saaray Gudashada Xajka Ee Sanadkan.

Heemaall

Daawo Qaabkii Looga Fal Celiye Go’aankii Xeerbeegtiga Kiiska Floyd

Heemaal