Heemaal News Network
somali

Erdogan Oo Safar Dhinaca Dhulka ah ku Galay Ukraine Xilli Uu Dagaal ka Socdo

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa markii ugu horraysay safar dhinaca dhulka ah ku tagay Ukraine tan iyo markii uu billowday dagaalka.

Erdogan ayaa markii hore diyaarad ku tagay magaalada Rzeszow ee dalka Poland, balse waxa uu safar dhinaca dhulka ah uga gudbay xadka, isagoo usii tallaabay dhinaca Ukraine.

Madaxweynha Turkiga ayaa adeegsaday waddada tagta magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine, isagoo hoggaaminayay wafdi.

Erdoğan ayaa waxa safarka ku wehlinayay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, wasiirka tamarta iyo kheydaarda dabiiciga ah, Fatih Dönmez, wasiirka difaaca qaranka, Hulusi Akar, wasiirka beeraha Vahit Kirişci, wasiirka ganacsiga Mehmet Muş iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladdiisa.

Lama soo tebin wax caqabad ah oo uu kala kulmay safarka dhulka ee uu ku galay Ukraine.

Erdoğan ayaa qasriga Pototsky ee ku yaalla magaalada Lviv kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in ay wadajir ula kulmaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, waxuuna qorshuhu yahay, Erdogan, Zelenskiy iyo Guterres ayaa qaban doona shir jaraa’id.

Safarka madaxwayne Erdogan ayaa kusoo beegmay xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine, iyadoo dadka soo barakacayna ay usii gudbayaan dhinaca Poland.

Related posts

Somaliland Oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadalkii R/Wasaare Ee Raafka Laascaanood.

Heemaall

Midowga Afrika Oo Baaq Deg-deg ah U Diray Madaxwaynaha Ukraine

Heemaall

Jen. Xijaar Oo Dalbaday in Dib loo Dhigo Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka

Heemaall