Heemaal News Network
somali

Erdogan Oo Xariga ka Jaray Masjid Dhismihiisa Muran Badan ka Taagnaa.(Sawirro)

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xarigga ka jaray masaajid laga dhisay fagaaraha Taksim ee ku yaalla magaalada Istanbul-kaas oo qorshaha dhisitaankiisa uu ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo looga soo horjeeday sanadkii 2013-kii.

Kumanaan qof oo ka qeybgalay munaasabadda ayaa buux dhaafiyay masaajidka xilli ay ku tukanayeen salaadda jimcaha.

Masaajidkan ayaa ku yaalla fagaare caan ah oo astaan u ah mabaadii’da cilimaaniyadda Jamhuuriyadda Turkiga.

Waxaana loo arkaa goobtan inay tahay meel qaddiimi ah oo ku xusan taariikhda Turkiga gaar ahaan aasaasihii dalkaas Mustafa Kemal Ataturk.

“Masaajidka Taksim wuxuu haatan ku yaalla goob caan ah oo kamid ah astaamaha magaalada Istanbul” ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo shaley salaaddii jimcaha kadib furay masaajidka.

Wuxuu intaas ku daray in masaajidka uu yahay mid sii jiri doono, “Haddii uu Alle idmo, masaajidka meesha ayuu kusii yaalli doonaa tan iyo wakhti dambe”

Wuxuu dadweynihii kasoo qeybgalay munaasabadda uu u sheegay in dhismaha masaajidka uu yahay guul taariikhi ah kadib dibadbaxyadii lagu diidanaa in fagaaraha Taksim laga dhiso masaajidka.

“Haatan, ma jirto cid hor istaagi karto barnaamijkan” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan wuxuu ka hadlay sababta uu u doonayay in fagaaraha Taksim laga hirgeliyo masaajid tan iyo markii uu ahaa duqa magaalada Istanbul sagaashamaadkii.

“Xitaan meel salaadda lagu tukado kama jirin fagaaraha xitaa dadka waxay ku tukan jireen warqadaha wargeysada marka ay joogaan garoonka” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Dadkii musalliinta ahaa ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu dhisay masaajidka, masaajidka waxaa ku xardhan astaamihii dowladdii Cusmaaniyiinta iyo naqshado casri ah, wuxuu qaadayaa in ilaa 4,000 qof.

Dadka dhaleeceeya siyaasadda Erdogan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in uu isku dayayo in uu xiddidada u siibo mabaadii’da cilmaaniga ee Turkiga.

Sanadkii 2013 waxaa Turkiga ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday in masaajid laga dhiso barxadda Gezi ee ku taalla fagaaraha Taksim, waxay sidoo kale banaanbaxyo ka dhan ah arrintaas ka dhaceen meelo ka tirsan caalamka.

Related posts

Booliiska Sacuudiga Oo Bilaabay Olole ka Dhan ah Dadka Itoobiyaanka ah

Heemaall

Puntland Oo Ogolaatay Inay Wareejiso Maxaabiis U Xiran Burcad Badeednimo

Heemaall

Jabhada Tigray Oo Shaacisay Inay Qabsadeen Magaalo kale

Heemaall