Heemaal News Network

Ergayga Somaliya Oo Warbixin Golaha Amaanka ka Siinaya Amaanka Iyo Muranka Doorashooyinka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, siin doona Golaha Amniga ee ku sugan magaalada New York.

James Swan ayaa la filayaa inuu Golaha ku wargeliyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ee la xiriira guddiyada doorashooyinka ee uu dhowaan dhisay Ra’iisul Wasaaruhu ayna diideen mucaaradka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ugu baaqaan dowladda federaalka inay tixgeliso cabashooyinka mucaaradka lanala sameeyo guddi cusub oo lagu heshiiyo oo hirgeliya doorashooyinka.

In ka badan 10 musharax madaxweyne oo ku shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa diiday hay’adaha doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo sheegay in aysan dhexdhexaad ahayn.

Sidoo kale, hay’adda culimada ayaa dowladda ugu baaqay in ay gogol u fidiso mucaaradka si looga heshiiska khilaafka caqabad ku keeni kara doorashada.

Related posts

Wasirka Cadaalada Somaliya Oo ka Farxiyay Hooyo Muqdisho ku Murugeesneyd(Sawiro)

Heemaall

Dawlada Oo Diiday Qabsoomida Shir ay Muqdisho ku Lahaayeen Odayaasha Beelaha Hawiye

Heemaall

Qaramada Midoobey Oo Heshiis Dhinaca Xaalada Gobolka Tigrey la Gashay Itoobiya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More