Heemaal News Network

Ethiopia Oo Ku Diiday Dhexdhexaadin Ay Ku Baaqeen Dalal African Ah

Maalintii Sabtidii Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan-saydhay dadaalo ay wadan dalal Afrikaan ah iyo Ururka Midawga Africa oo ay ku dooneysay inay ku dhexdhexaadiyaan Dawlada Iyo jabhada TPLF ee waqtooyiga dalkaasi, iyadoo sheegtay in ciidamadeedu ay qabsadeen magaalo kale oo muhiim ah hadana ay u ruqaansadeen dhinaca magaalada caasimada u ah Mucaaridka Tigrey ee Makhaleh.

Jimcihii ayay ahayd markii Ururka Midowga Afrika uu u magacaabay Joaquim Chissano oo ahaa madaxwaynahii hore ee Mozambique, Ellen Johnson Sirleaf oo iyaduna ahayd madaxwaynahii hore ee Liberia iyo Madaxwaynahii Hore ee Koonfurta Africa Kgalema Motlanthe inay noqdaan ergo gaar ah oo raadisa xabad joojin iyo wada-hadal lagu soo afjaro xiisada ka aloosan Ethiopia.

“Warka wareegaya baraha bulshada ee ah in ergooyin ka socda Africa ay u safri doonaan Itoobiya si ay u dhexdhexaadiyaan dowladda Federaalka iyo dambiilayaasha kooxda TPLF waa been abuur,” ayay dowladdu ku soo qortay barteeda Twitter-ka maalintii Sabtida.

Related posts

Gabar Uu Dhalay R/Wasaarihii Hore Ee Itoobiya Meles Oo Xabsiga la Dhigay.

Heemaall

Taliska Boliska Oo Soo Bandhigay Qiimayn ay ku Sameeyeen Saldhigyada Somaliland.

Heemaall

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Oo Wadahadal la Yeeshay Ilhaan Cumar.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More