Heemaal News Network
Caalamka

Ethiopia: Qasaare Iskugu Jira Dhimasho & Dhaawac Ka Dhashay Dabaaldag Diimeed

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay in ka badan boqolka way dhaawacmeen kadib markii saqaf ka samaysan Looxaan uu la dumay dad masiixiyiinta Itoobiya ah oo dabaaldagayay ay buux dhaafiyeen, waxana uu falkan ka dhacay magaalada Gordon ee bartamaha Itoobiya.

“Ilaa hada waxa aan kuu sheegi karaa waa dhimashada 10 qof iyo dhaawaca in kor u dhaafaysa 150 qof ayuu warbaahinta u sheegay dhaqtar ka hawl-gala Cisbitaalka Jaamacada Gordon”

Dabaaldagan diimeed oo afka Amxaariga lagu yidhaa Timket ayaa laba maalmood socon doona, waxana ka qayb qaata masiixiyiinta haysa mad-habta Ortodox-ka ee Ethiopia.

Magaalada Gondar ayaa ah magaalo qadiimi ah oo mar haanjirtay caasimad ayaa waxa ay maanta xudun u tahay dabaaldagyada diimeed ee masiixiyiinta Ethiopia, marka sanadka dabaaldaga masiixiyiinta la gaadho-na waxa la waayaa tikidhada diyaaradaha, tareenada, iyo basaska ee Ethiopia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More