Heemaal News Network

Everton Oo Daqiiqadii U Danbaysay Barbaro Ku Qabatay Manchester United

Everton ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay barbarro ku qabatay Manchester United oo ay ugu tagtay Old Trafford, ciyaar aad u adkayd oo ay laba jeer ay Red Devils hoggaanka qabatay.

Manchester United ayaa qaybtii hore heshay laba gool oo ay u dhaliyeen Edinson Cavani iyo Bruno Fernandes, iyadoo waqtiga nasashadana ay labada kooxood u baxeen iyadoo 2-0 ay Red Devils ciyaarta ku hoggaaminaysay.

Everton ayaa bilowgii qaybta labaad waxay la timid laba gool oo ay saddex daqiiqadood u dhexeeyeen, kuwaas oo ay saxeexeen Abdoulaye Doucoure iyo James Rodriguez.

United ayaa mar kale hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 70aad, waxaanay ciyaarta hoggaaminayeen illaa daqiiqadii ugu dambaysay waqtiga dheeriga ah ee ciyaarta lagu daray, markaas oo Dominic Calvert-Lewin uu ciyaarta ka dhigay 3-3.

Labada kooxood ayaa iska lumiyey fursado badan, hase yeeshee waxay dhibcaha ku wadaageen barbarro 3-3 ah.

Manchester United ayaa yeelatay 45 dhibcood iyadoo laba dhibcood ka dambaysa Man City oo hoggaanka haysa, Axaddana la ciyaaraysa Liverpool, halka Everton ay soo gashay kaalinta lixaad oo ay haysato 37 dhibcood

Related posts

Cristiano Ronaldo Oo Jabiyey Rikoodhkii Goolasha Ee Belle Dhigay

Heemaal

Manchester United Oo Hogaanka U Qabatay Premier League

Heemaal

Manchester City Oo La Wareegtay Hogaanka Premier League-ga

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More