Heemaal News Network

Faah faahin:-Dagaal Khasaaro Gaystay Oo Somaliland Iyo Puntland ku Dhexmaray Gobolka Sanaag.

Faafaahin laga helay dagaal khasaaro gaystay oo maanta deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag waaberigii hore ee saakay ku dhexmaray laba maleeshiyo oo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ka socda deegaano hoostega degmada Isku-shuban ee Bari, waxaana maleeshiyaadka aysan isku adeegsadan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegayaan dadka deegaanka qaarkood.

Dagaalkan ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira diwaangalinta codbixiyayaasha oo ay halkaasi gaysay Somaliland, taasoo xiisad dagaal ka abuurtay deegaano hoostega Isku-shuban, iyadoo halkaasi ay hore uga taagnayd xiisad dhinaca dhul dhaaqsimeed oo ka dhaxaysay maalmahan laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaalka, inkastoo aan la cadeyn khasaaraha inta la egyahay, waxaana adeg in faah faahin laga helo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay socdaan dalaalo kala duwan oo lagu doonayo in Ciidamo lagu kala dhex dhigo maleeshiyo beeleedka hubeysan ee ku dagaalamaya deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Dagaalo u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyo ayaa horey uga dhacay deegaano hoostega degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, wallow dadaalo la sameeyay lagu guuleystay Colaado halkaas ka jiray in lagu soo afjaro.

Related posts

Joe Biden Oo ku Guulaystay Doorashada Madaxweynaha 46aad Ee Maraykanka.

Heemaall

Abiy Oo Madaxda TPLF ku Eedeeyay Masuuliyada Qalaalasihii Itoobiya Ee Qowmiyadaha.

Heemaall

Maxuu Musharax Kheyre ka Yiri Shirka Garoowe?(Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More