Heemaal News Network
somali

Faah-faahinta Qarax Ismiidaamin ah Oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Ruux la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu isku qarxiyay Goob Suuqa ah oo ku taal meel u dhow Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee magaalada muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in goobta qaraxa uu ka dhacay uu ku yaal Suuq lagu iibiyo Hilibka iyo Mallaayga iyo buteejo laga raro Gaadiidka dadwyenaha ee aada dhnaca degmada Dharkeeneey, waxaana xilliga qaraxa uu ka dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca 8 kale, kuwaas oo ahaa dadkii goobta ku sugnaa, waxaana wadooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay xiray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Majirto cid ilaa iyo hadda sitoos ah qaraxa loola beegsaday, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda laamaha amniga dowladda Soomaaliya inay fah faahin ka bixiyaam.

Related posts

Madaxweyne Deni Oo Digniin kasoo Saaray Muranka Dhulka Deegaanda Puntland.

Heemaall

Liiska Magaalooyinka Ugu Nolosha Xun Iyo Kuwa Ugu Wanaagsan Oo La Shaaciyey

Heemaal

Laascaanood Oo Si wayn Looga Dabaal Degay Guusha Isbahaysiga Mucaaridka.

Heemaall