Heemaal News Network
somali

Faahfaahin: Khasaaraha Qarax Ciidamo ka Tirsan Puntland Lagu la Beegsaday Duleedka Boosaaso

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa maanta lagu qarxiyey degaanka Sugurre ee duleedka Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan in loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo meel durugsan laga hagayey.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kolonyo gaadiidka Ciidamada Puntland ah oo ku wajahnaa degaanka Af-urur qaraxa lala eegtay.

Askari ka mid ahaa ciidamadii la socday gaadiidkaas ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxaas

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Puntland ee qaraxa lala beegsaday ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan wax khasaaro ah ka dhalan.

Qaraxan ayaa yimid saacado ka dib markii saaka waaberigii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Related posts

Ahlusuna Oo Beenisay Inay Diiday in Wada-hadal Lagu Dhameeyo Colaada Galmudug

Heemaall

Dugsiga Sare Ee Hoyga ah Oo Laga Hirgaliay Deeganka Jaarahoroto Ee Dila Oo Xariga Laga Jaray.

Heemaall

M/Cagjer Oo Siyaasiyiin Somalida ku Eedeyay Inay Isku-dayeen Afgambi ka Dhaca Itoobiya.

Heemaall