Heemaal News Network
Soomaaliya

Faahfaahino kasoo Baxaya Dhalinyaro Lagu Laayey Duleedka Balcad

Meydadka illaa sideed qof oo u badan dhalinyaro ka howlgalaysay xarun caafimaad oo ay ku leedahay hay’ada Zamsam oo laga helay duleedka deegaanka Gololey ayaa la geeyay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in meydadkan la geeyay xarunta dambi baarista ee CID si baaritaan loogu sameeyo.

Dadka la diley ayaa la sheegay in rasaas ay uga taal madaxa iyo qeybo badan oo jirkooda ka mid ah sida ay sheegeen dadkii gaaray halkii laga helay meydadkooda.

Balse dadka degaanka ayaa sheegaya in Dhalinyaradan ay shalay ka wateen degaanka ciidamo ka tirsan DF, wax yar ka dib markii uu halkaas ka dhacay qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada oo askar badan ay ku dhimatay, iyagoo xusay iney aaminsan yihiin in ciidankii watay ay ka dambeeyeen dilkooda.

Iyadoo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo xaqiijin cidda ka dambeysay dilka dhalinyaradan ayaa hase ahaatee Nabadoon Muxidiin Xasan Afrax ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay qafaalashada iyo dilka dadkan ay xirnaayeen dareeska ciidamada isla markaana ay isticmaalayeen gaadiidka dagaalka ee ciidamada milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale Nabadoon Maxamed Cali oo degen degmada Balcad ayaa sheegey in 7 ka mid ah dadka la diley ay ahaayeen shaqaalaha MCHka Zamsam ayna qafaasheen ciidamo milatari ah ayna ku dileen duleedka deegaanka Gololey.

Hase yeeshee afhayeenka maamul goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa ku eedeeyay dilka raggan ururka Alshabaab isagoo beeniyay inay ka dambeeyeen ciidamo Milatari ah.

Halkan ka aqriso Magacyada dadkan la diley.

1- Cumar Xuuti Maxamud.
2- Cabdicasis Cabdulqaadir Cabdulle.
3- Cali Axmed Cali.
4- C/saaq Cabdulaahi Qooble.
5- Maxamed Cumar Boore.
6- Abuukar Muuse Maaxi.
7- Yuusuf Ayuub.
8- Iyo Nuur Xaaji Gaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More