Heemaal News Network

Faahfaahinta Xariga Musharax Dhuxulow Ee Hargaysa Loogu Gaystay.(Akhriso)

Waxaa Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland gaaray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Xabsiga la dhigay kadib markii uu uu ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Wararka kasoo baxaya sababta Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu u tagay Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in shirkad Jarmal ah oo Hargeysa degeni ay usoo saartay dal-ku-galka Sonaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo, waana sababta keentay in uu Hargeysa tago sida warar hoose ay sheegayaan.

Hay’adaha ammaanka ayaa marki dambe ogaaday in qofka dal-ku-galka loo soo saaray yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xabsiga loo taxaabay.

Mustaf ayaa saraakiisha madaarka Cigaal ee Hargeysa tusay dal-ku-galka uu sitay, kaas oo la la laalay, lana joojiyay, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland oo ku aaddan Xarigga Xildhibaanka.

Sidoo kale wararka ayaa waxa sheegayan in Xildhibaanka dib loogun soo tarxiili doono Magaalada Muqdisho ee Caasiamdda Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in ay jiraan arrimo kale oo uu Hargeysa u tagay Xildhibaanka marka laga tago in shirkad Jarmal ah oo Hargeysa degeni u soo saartay dal-ku-galka Sonaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan safarka Musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ku tegay Caasimadda Somaliland iyo xarigiisa.

Inta badan ma dhacdo in Mas’uul xil ka haya Dowladda Soomaaliya uu tago Hargeysa, Xitaa waxaa adag in Mas’uuliyiinta u dhashay Gobolada Waqooyi ee Xilalka ka haya Dowladda federaalka in ay tagaan Somaliland.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Xiisada ka Taagan Baladwayne kala Shirtay Maamulka Hir-Shabeelle

Heemaall

Xisbiga Wadani Ee Somaliland Oo Magaacabay Gudoomiyey Cusub

Heemaal

Hargaysa Oo Soo Dhaweeysey In Ceelal Biyood Laga Siiyo Jabuuti Awdal

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More