Heemaal News Network

Facebook Oo Lagu Eedeeyey In Shaqada Siiyo Ajaaniibta Oo Kaliya

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Facebook inuu takoor kula kacay shaqaalaha Ameerikaanka ah isaga oo fursadaha shaqo siiyay muhaajiriinta.

Dacwad ka dhan ah shirkaddan baraha bulshada ayaa lagu sheegay inay diiddo inay shaqaaleysiiso amaba ay tixgeliso dadka Ameerikaanka ah ee u qalma shaqooyin ka badan 2,600.

Shaqooyinkaas ayaa la siiyay ajaanib heysata dal ku gal ku meel gaar ah, ayaa lagu xusay dacwadda.

Facebook ayaa dood ka keenay dacwaddaas, wuxuuna sheegay inuu la shaqeynayo waaxda.

Dacwadda waxay quseysaa isticmaalka Facebook ee dal ku galka ku meel gaarka ah ee H-1B, kuwaas oo ay aalaaba isticmaalaan shirkadaha teknolojiyadda si ay shaqaale ajaanib ah oo xirfad leh u keenaan Mareykanka.

Dacwadda oo shalay la gudbiyay, ayay waaxdu ku sheegtay in Facebook uu “si ula kac ah u abuuray hannaan shaqaaleysiin” oo dadka Ameerikaanka ah ka doorbidaya dadka heysta dal ku galka H-1B iyo shaqaale kale oo ku meel gaar ah.
Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay inay adcwadda gudbisay kaddib labo sano oo ay baaritaan ku heysay hannaanka shaqaaleysiinta ee Facebook.

Waxaa lagu codsanayaa dacwadda in Facebook “uu lacag siiyo shaqaalaha Ameerikaanka ah ee shaqada loo diiday” iyo waxyaabo kale.

“Farriinta aan u direyno shaqaalaha way caddahay: Haddii shirkadaha ay u diidaan fursadaha shaqaaleysiinta iyaga oo si sharci darro ah ud oor bidaya kuwa heysta dal ku galka, Waaxda Caddaaladda way la xisaabtami doontaa,” ayuu yiri Eric S Dreiband, oo ah kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud ee qeybta xuquuqda rayidka.
Intii uu xilka hayay, madaxweynaha wuxuu isku dayayay inuu ku adkeeyo shirkadaha inay shaqaaleysiiyaan shaqaalaha ajaanibta ah ee heysta dal ku galka H1-B.

Dacwaddan ka dhanka ah Facebook waxay la micno tahay hannaan looga hor istaagayo in shirkadaha Mareykanka ay shaqaaleysiiyaan ajaanibta.
Maamulka Trump ma wanaagsaneyn xiriirka uu la lahaa shirkadaha teknoljiyadda sanadihii la soo dhaafay. Shirkadaha waaweyn sida Facebook ayaa wajahay cambaareyn ku aaddan inay oggolaadeen in warbixinno marin habaabin ah lagu wadaago barahooda iyo in xogta dadka loo isticmaalay si khaldan.

Bishii October, Waaxda Caddaaladda ayaa ku eedeysay Google, inay si sharci darro ah ugu lug lahayd qeybaha baaritaanka iyo baaritaanka xayeysiinta. Google ayaa beenisay eedeymahaas.

Related posts

Faysal Cali Waraabe: “Farmaajo Haka Jawaabo Caruurta Uu ka Dagaal-galiyay Itoobiya”.

Heemaall

Tahriibayaal ku Dhintay Doon ku Degtay Xeebaha Liibiya.

Heemaall

Wakiilada Beesha Caalamka Oo ku Taliyay In Deg-deg loo Xalliyo Khilaafka Doorashada Somaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More