Heemaal News Network

Fanaanada Faadumo Cali Nakruuma Oo Covid-19 Ugu Geeriyootay Muqdisho.

Alle ha u Naxaristee waxaa Maanta Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ku geeriyootay fannaanadii Caanka aheyd ee Hobolada Waaberi Faadumo Cali Nakruuma.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in Faadumo Cali Nakruuma ay u geeriyootay Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay ay la jiiftay Isbitaalka.

Horay Cudurka Coronavirus waxaa muqdisho iyo dalka dibadiisa ugu geeriyooday dad isugu jira Fanaaniin, Ciyaartooy iyo Masuuliyiin xilal ka soo qabtay Dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida fanaanadii Canka aheyd ee Faadumo Cali Nakruuma oo Maanta ku geeriyootay muqdisho, iyaga oo Alle uga baryaya in uu Naxariistee janno ka waraabiyo.

Related posts

Saraakiisha Ugu Sarreysa Xisbiga TPLF Ee Tigrey Oo loo Jaray Warqad Lagu soo Xirayo

Heemaall

Dowlada Somaliya Oo Cambaaraysay Weerarkii Xuutiyiinta ku Qarxiyeen Garoonka Diyaaradaha Cadan

Heemaall

Tigrayga Oo Qabsaday Xarunta Taliska Waqooyi Ee Ciidamada Ethiopia.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More