Heemaal News Network

Fanaankii Waynaa Ee Caanka ka Ahaa Somaliya 0o Caawa ku Geeriyooday Muqdisho.

Fanaankii Soomaaliyeed ee Faarax Siidoow Faarax ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Geerida fanaanka ayaa waxa xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan Wasaarada warfaafinta Somalia iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo da’ ahaa uu caawa ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaasoo la sheegay inuu mudooyinkan ku xanuunsanayey.

Faarax Siidow Faarax ayaa ahaa fanaankii qaaday heestii ugu horeysay ee laga sii daayey aasaaskii telefishinkii hore ee Qaranka sanadkii 1987dii, isagoo sidoo ku luuqeeyey suugaan fara badan caan ah.

Related posts

Dawlada Itoobiya Oo Gargaarkii Ugu Horaysay Gaarsiiyay Caasimadda Tigray.

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo Ku Taliyay In la Maxkamadeeyo Gudiga Covid19 Ee Somaliland

Heemaall

Dhalinyaro Boosaaso Ku Soo Bandhigtay Software Cusub Oo Loogu Magac Daray Xisaabiye

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More