Heemaal News Network

Faransiiska Oo Shaaciyay Inuu Qaadayo Tallaabo Adag Oo ka Dhan ah Masaajidda Muslimiinta.

Dowladda Faransiiska ayaa qaadeysaa tallaabo aan horey loo arag oo ka dhan ah masaajidda looga shakiya inay dhiirigelinayaan fikradaha xagjirka ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in 76 masaajid la beegsan doono maalmaha nagu soo aadan, waxaa dhici kartaa in qaar kamid ah masaajiddaas la xiro.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaca ka qaaday shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Golaha Muslimiinta Faransiiska ayaa lagu waday inay toddobaadkan dhexdiisa la kulmaan Madaxweyne Emmanuel Macron, si ay ugala hadlaan qoraal ku qoran “axdiga qiyamka Jamhuuriyadda” ee cusub kaas oo loogu talo galay inay saxiixaan imaamyada dalkaas.

Golaha (CFCM), oo wakiil ka ah ilaa sagaal ururro Muslimiin ah, ayaa la sheegay in laga dalbaday inay qoraalka axdiga ku daraan aqoonsashada qiyamka Jamhuuriyadda Faransiiska, diidmada in Islaamka loo adeegsado dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo in la mamnuuco faragelin shisheeye.
Xigasho BBC

Related posts

Abdi Xaashi Iyo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Oo Qaadacay Heshiiskii Baydhabo.

Heemaall

Emmanuel Macron Oo Ka Hadlay Askar Looga Dilay Dalka Mali

Heemaal

War Kooban Oo Ka Soo Baxay Kulankii Taalibaan Iyo Maraykanka

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More