Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa shaqada ka joojiyay saddex sarkaal oo boolis ah kaddib markii ay kasoo dhex muuqdeen muuqaal muujinayao iyaga oo garaacayo nin madow ah oo ah soo saare dhan heesaha gudaha magaalada caasimadda ah ee Paris.
Waxay arrinatani dhacday Sabtidii, dadweyne fara badan ayaa ka carooday sida booliska ay ula dhaqmeen ninka booliska ah.
Isniintii booliska Faransiiska waxaa lagu eedeeyay in awood xadh dhaaf ah ay adeegsadeen xilli ay ka dhantaaleen guryo kumeel gaar ah ay deganaayeen dad muhaajiriin ah.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Faransiiska ay isku dayayso inay soo saarto sharci dhigayo in la baahiyo wajiyada saraakiisha booliska.
Dadka kasoo horjeedo sharcigaas ayaa sheegaya in haddii aanan la baahin laheyn sawirrada booliska dhibaatada gesytay toddobaadkii lasoo dhaafay aanan la ogaan laheyn.