Heemaal News Network
Caalamka

Fariimo Siyaasadeed Oo Lagu Qoray Lacagta Uganda Oo La Cambaareeyay

Bangiga dhexe ee Uganda ayaa cambaareeyay lacag lagu xardhay fariimo siyaasadeed oo si wayn loogu wadaagay baraha bulshada, waxana ay sheegeen masuuliyiinta Bangigu in falkani uu xushmad daro ku yahay lacagta dalka Uganda.

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Uganda Emmanuel Mutebile, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku yidhi “Xushmad darada lagula kacay lacagta Uganda waxa ay tahay talaabo halis galin-karta sugida amniga iyo sidoo kale qiimo-dhac ku yimaada lacagta dalka, cimriga lacagtana soo dadajinaya”

Fariimaha lagu xardhay lacagta Uganda ayaa u badnaa kuwo siyaasadeed oo lagu taageerayo Siyaasiga da’da yare e lafta dhuunta gashay ku noqday Madaxwayne Musaveni ee Bobi Wine, sidoo kale waxa jiray fariimo kale oo lacagta lagu qoray oo iyaguna lagu taageerayay in uu Madaxwayne Musaveni Markale isa-soo sharaxo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More