Heemaal News Network
somali

Farmaajo Iyo Musaveni Oo Kulan ku Yeeshay Caasimada Kambala.(Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda.

Related posts

Hargaysa Oo Ka Warbixisay Qabsoomida Doorashooyinka

Heemaall

M/Biixi Oo Qaabilay Wafiyo kasoo Qyab-galayay Furitaanka Wajiga 1aad Ee Dekada Berbera.(Sawiro)

Heemaall

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Koongo.(Sawirro)

Heemaall