Heemaal News Network
somali

Farmaajo iyo Rooble Oo Maanta Kulan Toos ah ka Yeelanaya Khilaafkoodii.

Waxaa socda dadaalo xoogan oo xal loogu raadinayo khilaafka xarga goostay ee u dhaxeeya Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta Rooble.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wada dadaalada xalka loogu raadinayo khilaafka labada hogaamiye, waxa ayna xalay labadan masuul siyaabo kala duwan ula kulmeen Farmaajo iyo Rooble.

Sida aan wararka ku heleyno kulamo saacado badan qaatay ee Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed la qaateen labada masuul Farmaajo iyo Rooble ayey kala hadleen sida ugu macquulsan ee xal looga gaari karo khilaafka taagan.

Farmaajo iyo Rooble ayaana sheegay in labaduba diyaar u yihiin is fahan, hasa ahaatee mid walbo ayaa wali ku dheagn shuruudo sababi kara in khilaafka sii kordhiyo, Rooble ayaana cadeeyay in uusan ka tanaasuleyn cadaalad u helida Kiiska Ikraan Tahliil.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suurto gal tahay in maanta kulan fool ka fool ah isugu yimaadaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble si ay uga wada hadlaan khilaafka taagan iyo sida xal looga gaari karo.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble u dhaxeeya ayaa sababay shaqo ka joojintii lagu sameeyay taliyihii NISA Fahad Yaasiin , waxaana Madaxweynaha uu qaaday talaabooyin uga sii daray khilaafka taagan taa oo dalka gelisay xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Related posts

M/Biixi Oo Mudeeyay Kalfadhiga Xildhibanada Cusub Ee Lagu Dooranayo Shir-gudoonka.

Heemaall

Hogaanka Khaatumo Oo ku Dhawaaqday Go’aan ka Dhan ah Somaliland.

Heemaall

Jarmalka Oo Mamnuucay Ururo Samafalka Oo Lagu Eedeeyay Inay Maalgaliyaan Alshabaab

Heemaall