Heemaal News Network
somali

Farmaajo Oo Xil Cusub Loo Dhaarinaayo

Xildhibaanada golaha shacabka ee baaralamaanka Soomaaliya ayaa la filaayey in maalinta barri ah ay yeelan doonaan, kulan lagu dhaarinayo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoonka golaha shacabka ee baaralamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada u diray fariin loogu sheegayo inuu baaqday kulankii berri loo balansanaa, kaas oo la doonayey in lagu dhaariyo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoonku ma shaacin sababta ka dambeysa in dib loo dhigo kulanka golaha, balse waxaa qoraalka lagu xusay in sababo ay jiraan, waxaana kulankaas loo bedalay maalinta Axada ah.

Fariinta loo diray xildhibaanada ayaa lagu yiri, “Xildhibaano, arrimo jira awgeed ,Shirkii bari loo balansanaa, waxaa dib loogu dhigey maalinta Axada oo taariikhdu tahay 21 August.”

Farmaajo ayaa axadda marka la dhaariyo wixii ka dambeeya wuxuu xubin ka noqonayaa golaha shacabka, kursigaan ayaa ah xubin sharafeed uu ku helay xilkii madaxweynaha ee dalka uu ka soo qabtay.

Related posts

Wafdigii Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Dib Ugu soo Laabtay Muqdisho.

Heemaall

Banaanbax Looga soo Horjeedo Dhul-boobka Villa Somaliya Oo Mogadisho ka Dhacay.

Heemaall

M/Biixi Oo ka Codeeyay Hargaysa Mar kale la Hadlay Shacabka Somaliland.(Sawirro)

Heemaall