Heemaal News Network
somali

Farmaajo Oo Dhiggiisa Uganda kala Hadlay La-dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-ababa ee Caasimadda waddanka Itoobiya

Kulanka ayaa uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashiga dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa Uganda uga mahad celiyay kaalinta Ciidamadiisa ka qaadanayaan howlgalka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Farmaajo oo wlei ku sugan dalka Itoobiya ayaa waxaa la filayaa in kulan doceedyo kale in uu la qaato Madaxda ka socota dalalka Afrika ee ka qeyb galay Xafladii Caleema saara Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Sariflayaasha Magaalada Wajaale Oo Xabsiga Lagu Guray.

Heemaall

Muwaadin Somaliyeed Oo Maanta Lagu Dilay Koonfur Africa.

Heemaall

Aabaha Dhalay Gabadhii Xalay Hargeysa Lagu Dilay Oo ka Hadlay Dilka Gabadhiisa

Heemaall