Heemaal News Network
Soomaaliya

Farmaajo Oo Hadda Ka Dagay Dhuusamareeb.(Sawiro)

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb,waxaa ku soo dhaweeyay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirada Amniga iyo Arrimaha gudaha,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa haatan loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo kala duwan.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu soo xiro Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug oo in ka badan 10 cisho ka socday Magalada Dhuusamareeb.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More