Heemaal News Network
Soomaaliya

Farmaajo Oo Hambalyeeyey Baale

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Abuukar Baalle oo ku guuleysatay in uu noqdo Gudoomiye Ku xigeenka Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Qadka internate ah ku haldaly Am Baalle iyagoo Ugu hambalyeey guushaan diblumaasiyadeed ee uu u soo hooyay Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.” sidaa waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More