Heemaal News Network
somali

Farmaajo Oo khudbad ka jeediyey Caleemo Saarka RW Abiy Ahmed.(Sawiro)

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya ayaa Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa RW Abiy Ahmed ku amaanay horumarka uu gaarsiiyey dalkiisa mudadii uu xilka hayey.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda.”

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya Labada Dal.

Related posts

Dhex-dhexaadintii Imaaraadka ka Dhex-waday Suudan Iyo Itoobiya Oo Fashilantay

Heemaall

Madaxii Hore Ee sirdoonka Kazakhstan Oo Xabsiga Dhigtay.

Heemaall

Mucaaradka Jabuuti Oo ka Hadlay Guusha Madaxwayne Geelle

Heemaall