Heemaal News Network
somali

Farmaajo Oo Madaxweynaha Congo ka Dalbaday inuu la Heshiisiiyo Mucaaraadka.

Madaxtooyada DR Congo ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday Madaxweynaha dalkaas oo haatan ah madaxa Midowga Afrika inuu ka qeyb qaato dhex dhexaadinta dhinacyada siyaasadda ee ku lugta leh xaalada cakiran ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Congo ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday dhiggiisa dalkaas inuu fududeeyo wadahadal ay yeeshaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka.

Madaxweyne Tshisekedi ayaa la sheegay inuu aqbalay dalabkaasi Madaxweyne Farmaajo.

Congo DR waxay sheegtey inay tahay in Afrikanku ay iyagu dhexdooda xallistaan arrimahooda halkii ay cid kale xallin lahayd.

Farmaajo wafdigiisa ayaa la filayaa iney caawa dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho sida warar xog ogaal ahi sheegayaan.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo hay’adaha dowladda u kordhiyay muddo laba sanno ah, taasi oo abuurtay in uu cirka isku shareero khilaafka doorashada Soomaaliya.

Xubnaha beesha caalamka ayaa gaashaanka u daruuray muddo kordhintaasi, iyagoo ku tilmaamay mid wiiqeysa dedaalada dib u dhiska dimuquraadiyadda Soomaaliya.

Magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemaayay dhaqdhaqaaqyo ciidan, kaasi oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ee ka soo horeeda dowladda federaalka Soomaaliya.

Related posts

Shirkii Maanta Oo Natiijo La’aan Xidhmay Iyo Wadatashi Loo Dareeray

Heemaal

Askar ku Dhimatay Rasaas Xalay loo Ridayay Dabaal Dega 26-ka June.

Heemaall

Dowlada Somaliya Oo War kasoo Saartay Rabshadaha ka Socda Koonfur Afrika(Akhriso)

Heemaall