Heemaal News Network

Farmaajo Oo Mar kale Shir Isugu Yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada.

Madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada.

Shirarkii ugu dambeeyay ee looga hadlaayay Arrimaha doorashooyinka ayaa noqday kuwa fashilmay.

Related posts

Trump Iyo Taageerayaashiisha Oo Banaanbax Ka Dhigay Magaalada Washigton DC

Heemaal

Somaliya Iyo Turkiga Oo Heshiis kala Saxiixday.

Heemaall

Ugu Danbay Qoorqoor Oo Ogolaysiyeey Dani Ka Qayb Galka Doorasahada

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More