Heemaal News Network

Farmaajo Oo Maxkamad Lagaga Dacweenayo Dadkii Maanta Lagu Dhaawacay Mudaharaadkii Muqdisho

Bannaanbaxayaal si nabad ah ku muujinayay diidmada ay ka qabaan hannaanka la doonayo in loo maamulo doorashada dalka, ayaa maanta lagala hor-tegay rasaas noonool, waxaana halkaas ka dhashay waxyeello nafeed iyo mid maaliyadeed sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka iyo dadka deegaannada wax ka dheceen.

Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Nuur oo kamid ah xildhibaanada dowlada federaalka ah ee Magaalada Muqdisho, lagana soo doorto dowlad goboleedka Hir-shabeelle ayaa sheegay in madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo lagu maxkamdeyn doono dilka iyo xasuuqii ay maanta dadka shacabka ah ee banaanbaxayay ay u geysteen ciidanka booliska Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdulaahi ayaa caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu si buuxdo oo toos ah u qaadan doono eedda dilkii iyo dhaawicii ay maanta geysteen ciidanka dowlada Soomaaliya, Wuxuuna Farmaajo ku sheegay inuu u xuub-siibtay kaligii taliye raba inuu daadinta dhiiga shacabka iyo xoog uu ku jooga kursiga madaxweynaha. Isaga oo raaciyay in Farmaajo uu ku danbeyn doono halkii ay ku danbeeyeen ragii isaga xukunka kaligii taliska ah kaga horeeyay.

Xildhibaanka oo bartiisa Facebooga soo galiyay qoraal dheer ayaa sheegay in dadka maanta dhintay iyo kuwa dhaawaca ah uu masuuliyadeeda si buuxda u qaadayo Madaxweyne Farmaajo maalina usoo istaagi doona Maxkamada horteeda mana dhacayso in dhiiga shacabka ladaadiyo xisaab la’aane qabuurahooda lagu dul qaxweeyo.

Musharrax madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale mar uu maanta saxaafadda la hadlay waxuu sheegay in mas’uuliyadda dhibkii maanta dhacay ayan cidi la wadaagi doonin madaxweynaha talada haya oo ficilladii uu sameeyay ay horseedeen bannaan baxa iyo dhiigii ku daadatay ee ka dambeeyay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili ehelada dadkii maanta lagu laayay magaalada Muqdisho ay wadaan diyaarinta gal-dacwadeed la xiriira xasuuq shacab oo uu geystay Madaxweyne Farmaajo oo ah taliyaha guud ee ciidamadda xooga dalka Soomaaliya.

Waxaana sidoo kale jiro eedeymo la xiriira xasuuq shacab oo ay horey hey´addaha xuquuqul insaanka ee caalamiga ah ay ugu soo jeediyeen dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Related posts

Taliye Sheegay in Dawladu Cafisay dhalinyarada Hubeyan Ee la Shaqeeynayay Kenya.

Heemaall

Xubno Cusub Oo ku Biiray Shirka Musharaxiinta Oo Maalintii Labaad Galay.

Heemaall

“Ma Aqbaleyno in Qalqal-geliyo Amniga Dalka”Ra’iisul Wasaare Rooble.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More