Heemaal News Network
somali

Faroole Oo ka Hor-yimid Qorshaha M/Deni Ee Doorashada Qof Iyo Cod Ee Puntland

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, ahna senator katirsan aqalka sare, ayaa ku baaqay in haatan meel la iska dhigo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Puntland.

Cabdiraxmaan Faroole oo hoggaamiye ka ah urur siyaasadeed lagu magacaabo Horseed, wuxuu sheegay inaysan wax mudnaan ah lahayn doorashooyinkaas, taas beddelkeedna wuxuu ku baaqay in xoogga la saaro wax ka qabashada abaaraha Puntland iyo colaadaha.

Faroole wuxuu sheegay inaan wax natiijo ah laga haynin doorashooyinkii horey u dhacay, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay. isagoo sheegay in maamulka hadda jira uu doorashada ka qaban waayay degmada Eyl.

“Doorashooyinka qof iyo cod waa in meel la iska dhigaa Priority maaha,” ayuu yiri Faroole oo sidoo kale dowladda Federaalka uga digay in ay fara-geliso doorashada madaxtinimada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Faroole oo Puntland soo xukumay 2009/2014, ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee isku dayay inuu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Hase ahaatee, diidmo lagaga horyimid sannadkii 2013, ayaa sababtay inuu joojiyo doorashooyinkaas, iyadoo weliba ay hal maalin ka dhiman tahay doorashooyinkii degmooyinka ee golayaasha deegaanka.

Hadalka Faroole ayaa kusoo beegmay, iyadoo haatan Puntland laga dareemo saansaanta u diyaar garowga doorashada madaxtinimada ee 2024.

Related posts

Qoor-qoor Oo U Hanjabay Ahlusunna kuna Eedeyay Inay kusoo Duuleen Galmudug

Heemaall

Ukraine Oo Gacanta Ku Dhigtay Duuliye Caan Ah Oo Duqaymo Badan Gaystay

Heemaall

AMISOM & Alshabaab Oo Ku Dirirsan Jubada Hoose

Heemaall