Heemaal News Network
Soomaaliya

Faysal Cali Waraabe Oo si Adag Uga Horyimid Qorshaha Biixi Ee Safarka Farmaajo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga soo horjeestay Warar sheegayay saacaddihii lasoo dhaafay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tagaayo Magaalada Hargeysa.

“Roog cas in loo fidiyo Madaxweyne Muuse kadibna afka loo soo geliyo Farmaajo ayaa imanaya Hargeysa ma ahan mid na qabata, Madaxweyne aan tegi Karin gobalada uu maamulo sida Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ma aha in uu yiraahdo Hargeysa ayaan tagayaa ma aha mid aan aqbalayno”. ayuu yiri Feysal Cali Waraabe

Soomaaliland ayaa qoraal waxaa ay u dirtey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed taas oo ku aadan in marnba aysan suuragal aheyn in Madaxweyne Farmaajo tago Magaalada Hargeysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More