FBI-da Maraykanka Oo soo Bandhigtay Ragii Weeraray Gudoomiyaha Gobolka Michigan

Hay’adda danbi baarista Mareykanka ee FBI ayaa ku dhawaaqday in ay ka hortagtay qorshe afduub loo geysan lahaa guddoomiyaha gobolka Michigan Gretchen Whitmer.

War soo saartay FBI ayey ku sheegtay in loo xiray arrintaas lix maleeshiyo ka soo horjeedda dowladda oo sida muuqata ka carooday tallaabooyinka xannibaadaha lagula tacaalayo Coronavirus ee ay soo rogtay siyaasiyaddan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Waxaa arrintan ka dambeeyey kooxaha xagjirka caddaanka ah ee garabka midig sida ay sheegeen warbixino la baahiyey.

Shirqoolkan lagaga afduubi lahaa Gudoomiyaha Michigan Gretchen Whitmer gurigeeda fasaxa, ka dibna loo kexeeyn lahaa goob aan la ogeyn ayaa muujinaya halista sii kordhaysa ee kooxaha garabka midig ka hor doorashada madaxtinimada ee 3-da November.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy