Gaadhi Waxyaalaha Qarxa Lagu soo Xirey Oo ku Qarxay Muqdisho.(Sawiro)

Ugu yaraan Labo qof yaa ku dhaawacmay gelinkii dambe ee maanta kadib markii gaari yar oo waxyaalaha qarxa lagu soo xirey uu ku qarxay agagaarka koontaroolkii hore ee Afgooye.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaarigan uu lahaa mid kamid ah shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir hase yeeshee uu ka badbaaday.

Labadan qofka ee ku dhaawacmay qaraxan ayaa la sheegay inuu mid ka ah ahaa qof wadada marayay iyadoo qofka kale uu ahaa qof la socday gaadhiga qarxay, mana jirin qasaare kale oo uu geystey qaraxan.

Qaraxyada gaadiidka lagu soo xiro ayaa inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu ammaanka magaalada Muqdisho uu wanaagsanaa islamarkaasina laga nastay qaraxyada.