Heemaal News Network
somali

Gaadiidkii Gargaarka Siday Ee Xanibnaa Oo Ugu Denbayn Gaaray Magalada Makelle.(Sawiro)

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in tiro kamid ah gawaarida xamuulka ee siday gargaar ay ugu dambeyntii gaareen magaalada caasimadda ah ee Mekelle halkaasoo ay saameeyeen dagaallada ka socda gobolka Tigray.

Baabuurtan gobolka u siday gargaarka ayaa ku go’doonsaneyd gobolka Canfarta halkaasoo ay dagaalo ay ka socdeen.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii la weeraray baabuur xamuul ah oo gargaar raashiin ah u siday boqolaal kun qof oo ay macluul soo wajahday kuwaasoo ku nool gobolka.

Qaramada Midoobey waxay horey ku baaqday in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibaatada ka taagan gobolka Tigray si looga hortago suurtagalnimada ah in macluusha ay si ba’an u saameyso shacabka Tigray.

Related posts

Maxkamad lasoo Taagay Rag loo Haysto Dilkii Gudoomiyha Deg.Hodan.

Heemaall

Dawlada Kenya Oo Barteeda Facebook ka Saartay Qoraalkii ka Wadahadalka Khilaafka Badda.

Heemaall

Mudaharaad ka Dhan ah Maraykanka Oo ka Dhacay Adis-Ababa.(Sawiro)

Heemaall