Heemaal News Network
somali

Gaalkacyo: Nin Horay dad Shacab Ah U Laayey Oo Si kadis Ah Loo Qabtay

In mudo ah ayey baadi goob ugu jireen Ciidamada Booliska Puntland qeybta Magaalada Gaalkacyo sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen nin Magaciisa lagu sheegay Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer ina Caano boore kaas dil u geystay laba ruux oo shacab ah.

Saraaiiisha Ciidamada ayaa tilmaamay kadib markii ay Magaalada Ka sameeyeen howlgalo is xig xiga ay u suurtagashay in ay gacanta kusoo dhigaan eedeysane Mowliid Maxamuud oo Baxsad ka ahaa laamaha ammaanka  islamarkaana dil u geystay marxuumiinta kale ah Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse.

Sidoo kale, Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in eedeysane  Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer ina Caano boore uu ahaa mid Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Mudug ay xukun ku riday, kadib markii lagu eedeeyay inuu ka mid yahay dadka ka ganacsan jiray maandooriyaha Khamriga.

Laamaha ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waayihii dambe waday howlgalo qorsheysan oo ay kula dagaalamayaan waxyaabaha maanka dooriya sida Xashiiska iyo Khamriga, iyagoo marar badan soo bandhigay kuwa ay soo qabteen iyo dadkii ka ganacsanayay.

Related posts

Maamulka Daalibaan Oo Mamnuucday Guurka Qasabka ah.

Heemaall

Mid ka Mid ah Wasiiradii Xilalka Shalay loo kala Bedelay Oo Is-casilay.

Heemaall

Jabhada OLA Oo 160 Qof ku Dishay Itoobiya.

Heemaall