Heemaal News Network

Gaari Uu la Socday Imaamka Dhaqanka Ee Beelaha Mudulood Oo Lagu Rasaaseeyey Muqdisho.

Gaari la sheegay iney la socdeen odayaal dhaqameedyo uu ka mid ahaa Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yusuf ayaa goor dhow lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana lagu warramayaa inay gaysteen ciidamada asluubta ee Xabsiga Dhexe ilaalada ka ah.

Gaariga la rasaaseeyey ayaa waxaa la socday xubno duubab dhaqan ah oo kasoo laabtay gogosha tacsida Jeneral Maxamed Nuur Galaal sida wararku nagu soo gaarayaan.

Gaariga Imaamka ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay Kontorolka koowaad ee Wadada hormarta xabsiga Dhexe, waxaa lagu rasaaseeyay Koontarolka labaad, iyadoo wararka intaas ku darayaan in markii hore Ilaalada Asluubta lagu wargeliyay iney gaariga la socdaan duubabka Dhaqanka.

Khasaaro dhaawacyo ayaa soo gaaray qaar kamid ah Ciidanka Ilaalada ee la socday Imaamka Beesha Mudullood ee Maxamed Yuusuf, kuwaasi oo loo qaaday Xarun caafimaad oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilaalo la socotay duubabka dhaqanka iyo ciidanka asluubta ayaa la sheegay iney isweydaarsadeen rasaas xooggan oo daqiiqadado socotay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaar ka mid ah odayaashii la socday imaamka Mudulood ay dhaawacmeen, lamana oga illaa hadda sababta shilkan ka dambeysay.

Related posts

Maamulada Jubbalada Iyo Puntland Oo Magacaabay Guddiyadoodii Doorashada

Heemaal

Somaliland Oo Joojisay Tartanka Kubbada Cagta Ee Gabdhaha.

Heemaall

Biden Oo ku Dhawaaqay Inuu Joojiyay Taageerradiisii Dagaalka Yemen

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More