Heemaal News Network
somali

Gabadha la Dhalatay Kim Jong-un Oo Koonfurta Ugu Hanjabtay Nukliyeer

Gabadha awoodda badan ee la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa ku hanjabtay in dalkeeda adeegsan doono hubka nukliyeerka haddii Kuuriyada Koonfureed kusoo qaado weerar gardaro ah.

Wasiirka gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed , jenaraal Suh Wook, ayaa sheegay in dalkiisa uu awwood u leeyahay inuu duqeyn ku ekeeyo goobaha ay xukuumadda Pyongyang ku tijaabiso gantaalladeeda.

Kim Yo-jong , oo ka jawaabeysay hadalka kasoo yeeray Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in dalkeeda mar kasta diyaar u yahay, waxa ayna cadeesay daandaansiga Kuuriyada Koonfureed keeni karo in ay adeegsadaan hubkooda nukliyeerka.

“Haddii ay dhacdo in Kuuriyada Koonfureed ay qaado tallaabo milateri oo dalkeena ka dhan ah, waxaa hawshooda gudan doona guutooyinka u xilsaaran nukliyeerka dalkeena,” ayey tiri gabadha la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan tijaabisay gantaalada nukliyeerka xumbaara ee ridada dheer iyo kuwa dhaxe, waxaana laga cabsi qabaa in dalkan ay hubkaasi adeegsan karaan mar kasta ay xaalad halis ah dareemaan.

Related posts

Ciidanka Liyuu Booliska Oo soo Bandhigay Miinooyin Laga Qabsaday Ururka Al Shabaab.

Heemaall

Maxuu Madaxwayne Geelle ka Yiri Caleemasaaraka Madaxwayne Xasan.??

Heemaall

“Ma jirin Ciidan Abaabulan Oo Magaalooyinkaas Maga Xoreeyey” Afhayeen Getachew Reda

Heemaall