Gabar Shan Jir ah Oo Lagu Kufsaday Magaalada Muqdisho.

Gabar yar oo da’deedu tahay shan sano jir aya lagu kufsaday magaalada Muqdisho sida uu sheegay Aabaheed Yuusuf Maxamed oo warbaahinta kula hadlay hoygiisa.

Masuul ka tirsan Isbsitaalka digfeer oo la geeyay gabadha yarta ah ayaa xaqiijiyay inuu jiro kufsi loo geystay dhibbanaha.

Gabadha eedadeed oo iyadana warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay qoysku kusoo baxeen qeylada gabadhooda yarta, waxayna u yimaadeen iyadoo la kufsaday.

“Waxaan kusoo baxnay qeylada gabadha, markii aan bannaanka usoo baxnay Ayaan aragnay gabadha oo ooyaysa, markaan u tagnay ninkii falkan geystay, wuxuu noogu hanjabay inuu na dilayo,” ayay tiri Eedada gabadha la kufsaday.

Ninkii falkaan ka dambeeyay oo sidoo kale jirdil u geystay gabadha hooyadeed ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu falka ka geystay oo ahaa guriga uu degen yahay oo kuyaala xaafada Faanoole oo katirsan degmada Kaaraan.

Qoyska dhibanaha ayaa dowladda ka codsaday in gacanta lagusoo dhigo dambiilaha loona mariyo shareecadda islaamka iyo cadaalada waxay ka qabto.

Kiisaska kufsiyada ayaa aad ugusoo badanaya magaalada Muqdisho, todobaadyo gudaheed waxaa ka dhacday kufsiyo aad u fool xun oo loo geystay dumar iyo rag.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy