Gabar Somali ah Oo ku Guuleysatay Tartanka Quruxda Haweenka Muslimiinta Mareykanka.

Zehra Abukar oo dal ahaan ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku guuleysatey tartanka Miss Muslimah USA 2020.

Tartankan oo loo qabto sannadkiiba halmar dhammaan hablaha muslinka ah ee ku nool 50 gobol ee Maraykanka , ayaa lagu tartansiiyaa dhanka quruxda.

“Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa shuko madow, waan jeclahay madowga, waa kalar dookheyga ah” ayay tiri Sahra

Sahro oo hadalkeeda sii wata ayaa tiri ka dib guusheeda “Balse marka ay cabaayad noqoto, waxaan jeclahay kalarrada muuqda.”

Gabadhan oo 23 sano jir ah ayaa ku nooleyd Turkiga muddo toddoba sano ah kahor inta aysan u wareegin Mareykanka, sanadkii 2014.

Tartankan oo sanadkii afaraad la qabanayo ayaa waxaa sanadkan ku tartamay 15 hablood oo da`doodu u dhaxeyso 15 ilaa 30.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy