Heemaal News Network
Soomaaliya

Galmudug Oo Amartay Inay Is Diwaan-galiyaan Dadka Hubka ku Haysta Gaalkacayo.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saartay amaro dhinaca ammaanka ah oo quseeya dadka hubka kuhaysta Koofurta magaalada Gaalkacyo.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu amray dhammaan dadka shacabka ee hubka ku dhex haysta koonfurta magaalada Gaalkacyo inay iska soo diiwaan geliyaan Wasaaradda amniga si loo xaqiijiyo ammaanka.

Amarkan ayaa waxa uu saameynayaa hay’adaha gaarka ah, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo dhammaan dadka haysta hubka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkan ka soo baxay Wasaarada Amniga Koofurgalbeed in ay is diiwaangeliyaan dadka aan la garaneyn ee yimaada magaalada Gaalkacyo.

Koofurta magaalada Gaalkacyo ayaa hore dabley hubeysan oo isugujira ciidamo iyo dad kale ay dilal ka geysteen koofurta magaalada Gaalkacyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More