Heemaal News Network

Galmudug Oo War kasoo Saaray Weerarkii Dhuusamareeb.

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay dhexmaray Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ee ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarkaasi la fashaliyay waxaana uu xaqiijiyay in ay Ciidamadu gacanta ku hayaan, Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay kujiraan 2-BKM, nin dhaawac ah iyo 8-meyd ah oo ay ka carareen.

Waxaa uu kusoo bandhigay magaalada Dhuusamareeb Madaxii Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Xassan Cabdinuur daad “Careys”

Waxaa uu ugu baaqay xubnaha Al-Shabaab in ay isku soo dhibaan ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

Related posts

Dawlada Oo Ogolaatay Inay Dibu Eegis ku Sameyso Guddiga Doorashada Ee Lagu Muran-sanyahay.

Heemaall

Somaliland Oo War kasoo Saartay Taliye Ciidan Oo U Goostay Muqdisho

Heemaall

Somaliya Oo Beenisay Inay Gashay Heshiisyo Hadal-hayn Badan Dhaliyay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More